@kahie252
Warmahayga dhiig inaan ka tiro Uma tumaalaysanHayeeshee nimaan ii turayn Uma taxniigoodoCulimada timbiga wayn leh oo Tahajudka ah maahiHayeeshee salaad kol aan tukado Tawbad ma ilaawoGobanimo hadii loo tartamo Tiigsa ma i raahdoHayeeshee hadii la abtirsado Igu takoor maahaRaga turuqa waa wayn leh oo Tookha badan maahiHayeeshee hadii laysu tago La ima tabar dhaamoNin togtiyo nin toogtiis qado Iyo nimay u toostaabaNina looga turimayn warmaha Tiibi loo tumayeLaba toolin baa ari tubtii Taagan waligoodeIsku tiimbannay oo haatanbaa Tiibindhaw joognaayeToran qaaday kuul cadihii Toojiga ahaayeDhul tararay rag waa toli karaa Taaka labadeedeMarka ma is tufnaa waynagii Teerida ahayne........
Waa curad ninkii dhalay,Laga siiya cuuddooWaa curad ninkii dhalay,Mahad looga celiyaa...Ceeb ma leh yartaniyooQuraankaa cadayooCaynkeeda oo kalela cadaabi maayee...Cuddudaha gacmahaCidiyaha faraha,Casarkii cadceedoo,Godka cidhifka gelisoo,Ka sokeeya caaddooFalaadh wada casaanaKu cadaysay baalaha...Ama laanta canabkooHooban la ciirtiyoCanbaruud bislaadiyoCagaarkoo iftiimiyocaleen ubaxa bixisoocidi saa u eegeen...Ilaa cidhibta hoosiyotinta caaradeeda,Cad xun ku arki maysidee 🚶🏾♂️➡️💌
Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo.Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo.Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad.Qulaab iyo kulaab iyo lucaaf, laysu qabanaayo.Qiyaamada halkaa soo turqanee, qun uga soo jeedo.Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane.Ma anaa mindiyo lay qarshaa, laygu qali doono.- Farah Nor (Poet)
- Ifka waxaan ku dheehdaa labadaada dhaayood.- Hadii aan dharaar ahay qoraxdii dhashaa tahay.- Hadii aan dhul noqon lahaa adigaa dhir noqon lahaa.- Hadaan dhiiga noqon lahaadhuumaha xambaar iyo wadnahaa dhuftaa tahay.- Ubax dharan hadaan ahaydhibicuu cabaa tahay.- Carabkaa wax dhaadeeqofka aan kusoo dhalan.- Sida aanu dhuunigudhadhan ugu sameynayn- Anna waa ila dhalanteednolol aad ka dhiman tahay.- Inkastoo dhawaaqooweedhaha aan dhiibiyo.- Inkastood dhaguubtoo dhagahaagu helayaan- Weedhaha aan dhurayaainkastooy dhaweeyaan. - Dhambaalkuu isoo faraywadnahaad ku dheehnayd.- Wax uumbaa ka dhimanoo Ma dhameystiraayaan.<<HOOYO MACAAN>>
Ma'ogtahay ninkii doora - Buu hadalku deeqaaye.Ma'ogtahay sursuur daahab - Baa dabinku yaalaaye.Ma'ogtahay daluun baaa ka qodan - Doox hortada ahe.Ma'ogatahy Xarkaa daadsan - Aan lala dareemayne.Ma'ogtahay inaad door heshaan - Lagula doonayne.Ma'ogtahay rag kula doodayoo - kuu danlaa jira-e.Ma'ogtahay shisheeyuhu nin dagan - Waa kuwii dila'e.Ma'ogtahay digtoonaan la'aan - Dacar inaad leeftay.
✍️Runtoo lagu dhawaaqiyoXaqoo lagu dhagnaadaaWaa dhiiranaan sax ahHayeeshee dar dhoohaniNaxligeey ku dhaataan Dhawaaqii gubaayiyoCay iyo dhaliil tabanIyo weedho dhagar-qabaLaf-Jab dhuuxa gaadhiyo Xanaf ruuxa dhihi karaDadku way ka dhaartaanDhabtii way ka boodaanDacalkeey ka dhaafaanAdigoo wax dhisi karaAdigoo lib dhalinkaraOo samaanta dhigi karaHadaf roon dhabayn karaHaku dhaashan liidnimo..#224
“If you hold a gun and I hold a gun, we can talk about the law. If you hold a knife and I hold a knife, we can talk about rules. If you come empty-handed, and I come empty-handed, we can talk about reason. But if you hold a gun and I only have a knife, then the truth lies in your hand. If you have a gun and I have nothing, then what you hold in your hands isn’t just a weapon, it’s my life. The concepts of law, rules, and morality only hold meaning if they are based on equality. The harsh truth of this world is that when money speaks, truth goes silent, and when power speaks, even money takes three steps backwards. Those who create the rules are often the first to break them for rules are chains for the weak and tools for the strong. In this world, anything good must be fought for… The masters of the game are fiercely competing for resources, while the weak sit idly waiting to be given a share.”
Dharaartaan aragtidaadaSidii dheef aan ugooboMarkaan dhaayaha kusaaroInaan dheegaga istaagoWaxaan sababteed udhiibay...Indhahan dhugashada ujeelanGu'diyo dhaayahaa dhexdoodaaKu dhaarsaday aragtidaada:>*Sidaasaad iigu dheertahaySidaasaad iigu dhawdahaySidaasaan kuugu dhaatay.24_JUNE🕤
You've seen all moments
Start sharing your language learning journey and connect with partners worldwide.